Friday, May 3, 2024

Ra’iisal wasaare Xamsa oo Qiray in Xajka noqday Isbaaro loo dhigto Dadka Soomaalida

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta la xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta kula hadlay Guddiga qaabilsan Tartanka Shirkadaha ku tartamaya Xajka Sanadkan.

Guddiga waxaa wehliyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Shiikh Mukhtaar Roobow Cali iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare Xamse ayaa guddiga u sheegay inay si Illaahay dartiis ah ay dadka Soomaaliyeed ugu cadaalad sameeyaan. “Wax kale kama rabno, waxaan rabnaa Dadka soomalaiyeed ee Ganacsatada ah in cadaalad loo sameeyo, waxayna cadaaladiinu kasoo bixi doontaa saad wax u saxdaan..” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha.

Ad

Wuxuu qiray in Xajkii uu noqday isbaaro loo dhigto dadka Soomaaliyeed ee gudanana Waajibaadka Xajka, taasina ay tahay in dadka laga hor istaago Cibaadada, umadiina ay noqotay mid meel kasta laga ciqaabo.;halkii ay ahayd inay dowladda dadka u fududeyso.

“Xajka waxaa noo qaabilsan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diibnta, cid kale oo ka shaqeyn karta ma jirto… Annaga Sheekh Mukhtaar ayaa guddi noo ah oo la xisaabtamaynaa, wixii xumaada waxaa 100% u qoolan Wasiirka, isagaa qaadaya mas’uuliyadda.. Anagu xoolo kama rabno, wax kastoo nala d;lsaaray waan diidnay.. Sanadkaan waxaa tijaabin doonaa oon imtixaaneynaa iimaanka Sheekh Mukhtaar..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamza.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON