Friday, May 3, 2024

Ra’iisal wasaare Kheyre oo si kulul uga hadlay Mowqifka dowladda Soomaaliya ee Heshiiska Dekadda Berbera [AKhriso]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. kadib socdaal uu ku tegay dalka Imaaraadka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd ku qabtay xafiiskiisa wuxuu ku shaaciyey in in dowlada Soomaaliya aan lagala tashan, isla markaana aanay waxba ka ogeyn heshiiska ka dhacay Imaaraadka ee ku saaban dekadda Berbera oo Itoobiya lagu daray mashruuca DP World kula wareegtay Dekaddaasi.

Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay in heshiiskaasi uu yahay sharci darro, isla markaana difaaca qaranimada Soomaaliya aanay ka leexan doonin oo ay difaacayaan. “Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa maalgashiga dibadda, dowaldda Federaalka Soomaaliya waa awoodda kaliya ee xaqa u leh inay gasho heshiisyada noocaasi ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON