Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaabay xubnihii ka bannaanaa xukuumadiisaoo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo wasaiiru dowleyaal.
Wareegtada ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay lix wasiir, laba wasiiru dowle iyo 5 wasiir ku xigeen, waxaana ka dhex muuqda xubno cusub, halka xubno horay xilalka qaar hayay dib loo magacabaay. Xubnaha la magacaabay ayaa ugu cadcad Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo xilkan horay u soo qabtay, wuxuuna iminka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudiga.
Xilkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa laga qaaday Saadaq C/llaahi Cabdi oo xilkan loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore, waxaana uu ahaa xilkii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji. Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa loo magacaabay C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey.
Hadaba halkan hoose ka akhriso Magacyada.
Wasiirada Cusub
1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta
2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga
3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta
4- C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka
6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta
Wasiiru dowlayaasha cusub
1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha
2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga
Wasiir kuxigeenada cusub
1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha Gudaha
2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta
3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta
4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka
5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka