Saturday, January 25, 2025

Guddoomiye Yariisow oo fulinaya Wareegto 4 Bilood ka hor kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha [Akhriso sababta]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa dib u soo nooleeyay wareegto laga soo saaray Xafiisak madaxweynaha Soomaaliya intii aan xilka loo magacaabin oo ku saabsaneyd Dhulka Danta Guud.

Guddoomiye Yariisow ayaa in Khubaro iyo Guddi baaris loo xil saarayo dhulalka Dowladda ee sida sharci darada loo bixiyey kadib markii ay cabashooyin ka yimaadeen, isagoo aan sheegin cidda ay cabashada ka timid, wuxuuna sheegay in arrintan loo tixraacayo amarkii Madaxweyne Farmaajo ee soo maray 19-kii Janaayo 2018.  [AKhriso Wareegtada]

Wareegtada 4 bilood kadib uu dib u soo xusuustay Guddoomiye Yariisow ayaa soo baxday xilli uu khilaaf weyn ka dhaxeeyay maamulkii G/Banaadir ee Taabit Cabdi Maxamed iyo xafiiska Madaxweynaha, waxayna ahayd khilaaf siyaasadeed oo waqtigaas ku saabsanaa, iyadoo ku soo beegantay xilli Guddoomiyaha cusub uu dhinaciisa bixiyey dhul Dan guud ah.

Ad

Guddoomiye Yariisow ayaa muddooyinkii dambe cadaadis ka heystay xafiiska madaxweynaha, iyadoo ay si gaara olole ugu fureen qaar ka mida kaaliyeyaasha madaxweynaha oo ka war helay musuq ka jira maamulka G/banaadir, waxaana arritan ay ka mid tahay mid uu ku raadinayo taageerada Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo Amar culus kasoo saaray iibinta & Kireynta Dhulka dowladda [Akhriso]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON