Friday, May 3, 2024

Rabshado la xiriira Doorashada oo ka bilowday magaalooyin ka tirsan Dalka Kenya

Rabashado xoogan ayaa ka billowdey deegaanka Kisumu oo ah halka uu kasoo jeedo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Rail Odinga.

Mudahaaadyo ay dhigayaan dad u badan dhallinyaro ka careysan go’aankii maxkamada sare ee dalka Kenya ay ku diidey Isniinnta maanta ah dacwad ka dhan ka doorashada madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa halkaasi ka socdo.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ayiday doorashadii bishii October ee madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ku guuleystay 98% kadib markii mucaaradka ay qaadaceen.

Ad

Doorashadaas ayaa waxaa codadkooda ka dhiibtay kaliya 39% dadka gaaraya 19.6 milyan ee qof ee u diiwaan gashan inay codeyn karaan, sida uu sheegay guddiga doorashada Kenya.

Rabshadaha ay dhigayaan taageerayaasha Raila Odinga ayaa la sheegay inay dhimasho iyo dhaawac ka dhaceen iyadoo xaaladda ay kacsan tahay, waxana laga cabsi qabaa in xaalada ay kasii darto.

- Advertisement -

Dhinaca kale taageerayaasha madaxweyne Uhuru ayaa bilaabay dagaaldeg ay u dhigayaan musharaxooda loo sharciyeeyay doorashada, waxaana dhambaallo hambalyo ah u riday Uhuru Kenyatta madaxda caalamka qaarkood.

Nasa leader Raila Odinga

Bayaan uu soo saaray Raila Odinga ayuu ku sheegay in Uhuru Kenyatta uu yahay madaxweyne sharci darro ku jooga xukunka, isla markaana aanay aqoonsaneyn doorashada sharci darrada ah ee maxkamadda sare ay u xukuntay.

Kenya ayaa ku jirta xaalad cakiran oo siyaasadeed iyadoo dadka dalkaasi ku kala qeybsan yihiin doorashada la isku khilaafay ee madaxweynaha dalkaasi markii dambe loogu xukumay Uhuru Kenyatta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON