Friday, May 3, 2024

Rabashado ka dhacay Kenya iyo Wararkii ugu danbeeyay doorashada kadib [Sawirro]

Rabshado kala duwan ayaa hareeyay meelaha ay ku badan yihiin taageerayaasha Musharaxa mucaaradka Kenya ee Raila Odinga, kadib markii xalay lagu dhawaaqay natiijadii doorashada.

Meello kale duwan oo ay dagan yihiin taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa waxaa xalay ka qarxay rabshaddo looga soo horjeedo guusha madaxweyne Uhura Kenyatta.

Rasaas ayaa ka dhacaysay xaafaddaha isku-raranta ah ee Kibera iyo Mathare ee Nairobi, iyo xaafadaha kale ee saboolka ah. Sidoo kale magaalada dhinaca galbeedka ku taalla Kisumu rabshado ayaa ka dhacay.

Ad

Booliska Kenya ayaa rasaasta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad rabshado ka dhigay. xaafadda  Siaya, ayay warbaahinta Kenya sheegtay inuu saaka yaallay meydka nin ay dileen Booliska Kenya.

Xaaladda saaka ee goobaha rabshadaha ka dhaceen ayaa ah mid kacsan oo isha lagu hayo waxa dhici doona, iyadoo hoggaaminaya mucaaradka Raila Odinga loogu baaqay inuu xaaladda qaboojiyo.

Human Rights Watch waxay sheegtay in dibadbaxyada dhacaya iyo rasaas xoog badan oo meelaha qaarkood laga soo sheegayo, ay muhiim u tahay ciidanka amniga inay xaaladda dajiyaan ee aanay uga sii darin rabshadaha.

- Advertisement -

“Boolisku yaanay isticmaalin suntan danka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta nool” sidaasi waxaa sheegay Otsieno Namamaya oo ka tirsan hay’adda Human rigths Watch.

Residents of Siaya town mill around a body of a

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON