Friday, May 3, 2024

RAADRAAC: Sidee Axmed Macalin Fiqi ku noqday Xidhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.?

Ku dhowaad sanad ayaa laga joogaa markii magaalada Cadaado xildhibaan loogu doortay Axmed Macalin Fiqi oo hore usoo noqday taliyaha NISA, kana tirsanaa xisbiga Daljir.

Kadib markii Xildhibaan Fiqi siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin badan ku eedeeyay laaluush iyo musuq ayaan dib u xusuusineynaa sida uu isaga laf ahaantiisa ku yimid kursiga inay ahayd musuq aan hore loo arag, isagoo ergo been abuur oo loo sameeyay ay doorteen 28 Novembar, 2016.

Kursiga xildhibaannimo ee Beesha Cabdalla Sacad iyo sidii uu ku helay Axmed Macalin Fiqi waxay ahayd mid ka mida musuqii ugu yaabka badnaa ee Cadaado ka dhacay, waxaana ka hadlay xilligaasi Nabadoon Maxamuud Aadan waxgaradka Beesha Cabdalla Sacad iyo Odayga ugu jira Odayaasha 135-ta ah.

Ad

HOOS KA DAAWO

Odayaasha iyo Waxgardka Beesha Cabdale ee Sacad ayaa sheegay xilligaas in kursigii beeshaasi si shirqool ah loo boobay. Odayaasha oo Cadaado ka hadlay intii ay socotay doorashada kursiga uu ku soo baxay Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ergo been abuur ah oo aan ahayn ergadii sharciga ahayd  ay dooratay Axmed Macalin Fiqi ayna la ogaayeen madaxweynaha Galmudug iyo Guddiga Dooroshada.

- Advertisement -

Waxaa shaki badan lahayd  in musharixiintii kursiga kula tartami lahaa kursiga Axmed Macalin Fiqi ee kala ahaa: Axmed Ducaale Xaaf iyo Danjire Dhabancad laga waayay goobta doorashada ka dhacay maadaama ay wax doorteen ergo been abuu ahayd.

Axmed Macalin Fiqi oo si shirqool loogu doortay Kursiga Beesha Cabdalla ee Sacad [Dhageyso]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON