Friday, May 3, 2024

Qoorqoor oo loo diray Qoraal looga Dalbanayo inuu soo magacaabo Musharixiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa laga dalbaday inuu soo gudbiyo musharixiinta Aqalka Sare ee laga soo doorto Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa si toos ah loogu diray Madaxweyne Qoorqoor oo noqonaya madaxweynihii saddexaad ee hela dalabkaasi, lana filayo inuu qabto doorashada Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay diyaar u yihiin qabashada Doorashada, ayna ka codsanayaan madaxweynaha Galmudug inuu soo gudbiyo liiska magacyada musharixiinta Aqalka Sare.

Ad

Galmudug ayaa laga soo doortaa 8 ka mida senatoorada Aqalka Sare, waxaana musharixiinta u tartamaya kuraastaasi soo magacaaba ama soo xula madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON