Friday, May 3, 2024

Qarax Labaad oo ka dhacay Hotel ku yaala Muqdisho iyo maleeshiyo Alshabaab dagaal ku galay

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax kale oo xoog leh uu goor dhoweyd ka dhacay Hotelka.

Qarixii hore ee saaka ayaa ahaa Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Hoteelka Dayax oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadadda Maka Almukarama agagaarka sayidka.

Dagaal iyo rasaas xoog leh ayaa ka socota Gudaha Hotelka iyadoo la sheegay in dabley Alshabaab ah ay gudaha u galeen markii qaraxa labaad dhacay.

Ad

Xaaladda ayaa kacsan ciidamo fara badan ayaa tegey agagaarka Hotelka iyadoo laga cabsi qabo in dad badan ay ku dhinteen, waxaana dhammaan xiran wadadda Maka almukarama.

Qaraxa labaad ayaa dhaliyay dhaawac badan oo ay ku jiraan saxafiyiin, ciidamo iyo dadweyne goobta u yimid qaraxa hore.

Qaraxa labaad ayaa ka dhashay gaari NOAH ah oo ay wateen dagaalamayaasha Alshabaab ee gudaha u galay Hotelka, iyadoo xilli dambe uu qarxay markii ay dad u badan saxafiyiin ay goobta tageen.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON