Wednesday, May 1, 2024

Maxaa ka jira in Cali Jeyte magaalada Muqdisho loogu diyaariyay Qorshe halis ah..?

Xog laga helay ayaa sheegaysa in guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegeysa inuu iska diiday casuumad uu u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Jeyte lagu casuumay in inuu yimaado magaalada Muqdisho, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay xil ka qaadista Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Cali Jeyte ayaa ka gaabsaday inuu Muqdisho yimaado, markii xildhibaannada taageera iyo siyaasiyiinta u how ay kula taliyeen inuusan aqbalin inuu ka tago magaalada Beledweyne, ayna suuragal tahay inuu jiro qorshe lagu xiri karo ama xabsi guri lagu gelin karo Muqdisho haddii uu diido waanwanta dowldda Federaalka, sida dowladii Farmaajo ku sameysay Jeneraal Xuud.

Ad

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa magaalada Baladweyne uga dhawaaqay maamulka cusub ee Hiiraan State, isagoo isu caleemo saaray madaxweyne, waxaana Beledweyne ku sugan guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON