Dalal badan oo islaam ah ayaa si kulul uga falceliyay falkii ugu danbeeyay ee dalka Sweden lagu gubay Nuqulo ka mida Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo dalkaasi lagu cambaareeyay inuusan waxba ka qaban.
Dalalka Ciraaq, Iiraan, Sacuudiga iyo dalal kale ayaa cambaareeyey falkii Nin kasoo jeeda dalka Ciraaq oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, waxayna ka digeen falkaasi ay kicin karaan carrada dadka Muslimiinta caalamka.
Ninkan falkan ku kacay ayaa ah 37 sano jir gaaloobay lagoo lagu magacaabo Salwan Momika, isagoo u qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu ku kacay shalay fal ah inuu ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah ku gubin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm hortiisa.
Booliska caasimadda Sweden ayaa waxaa la yaab leh inay Ninkan siiyeen fasax uu dibadbax ku dhigo, iyadoo sabab looga dhigay xoriyadda hadalka, Arrintan ayaa kusoo noqnoqoray Dalka Sweden.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Ciraaq ayaa cambaareeyay falkan, waxayna war ay soo saartay ku sheegta inay falalkan ay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka, kana dhigan yihiin daan-daansi halis ah oo lagu sameeyey malaayiin qof.
Dalka Iiraan ayaa sidoo cambaareyay falka ka dhacay dalka Sweden, waxayna gubitaanka Kiraabka Qur’aanka ku sheegtay inuu yahay mid daan-daansi ah, aan laga fiirsan, lana aqbali karin.
Dowladda Boqortooyada Sacuudiga dhinaceeda qoraal ay soo saartay falkan ku tilmaantay naceyb soo noqnoqda oo aan lahayn wax cudurdaar ah oo la aqbali karo.
Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale cambaareeyay gubista Qur’aanka Kariimka ah, waxayna ku tilmaameen weerar lagu soo qaaday Diinta Islaamka.
Dalalka iyo ururrada cambaareeyay falkan waxaa ka mida: Golaha Iskaashiga Khaliijka, balse dalka Morocco ayaa qaaday tallaabo culus markii uu u yeertay safiirkiisii dalka Sweden, si ay u muujiso cabashada arrintan