Thursday, May 2, 2024

Mareykanka oo isu keenay Dalalka Saameynta ku leh Somaliya iyo Xayiraadii Hubka oo…

Dowladda Mareykanka ayaa shir isugu keentay Wakiilo ka kala socday dalalka saameynta weyn ku leh Somaaliya ee Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka oo u shiray magaalada Washington.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo, waxaana arrinta ugu weyn ay ahayd sidii dowladda Soomaaliya loo taageeri lahaa.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulankaasi ayey faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, kaasoo lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyeen dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada.

Ad

Waxay sidoo kale 5-ta Dal iyo Somaliya ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab; iyagoo sheegay inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dalalkan ay ka go’an tahay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee ku aadan buuxinta halbeegyada xakameynta hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu si buuxda ugu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dhinaca kale waxay walaac ka muujiyeen dagaallada muddada bil ku dhow ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in loo hoggaansamo xabad-joojinta, la ogolaado gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda.

- Advertisement -

Dalalka ayaa ugu dambeyn sheegay inay isku raaceen in muddo saddex bil gudaheed ah ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo sii wado wada-hadallada ku aadan Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON