Tuesday, February 18, 2025

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Darawal Mooto-Bajaaj ku dilay Muqdisho

Dil kale ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku furay Darawal Mooto Bajaaj.

Falkan ayaa Galabta ka dhacay inta u dhaceysa Isgoyska Jubba iyo Daljirka Dahsoon, agagaarka Wasaaradda Amniga ee Magaalada Muqdisho, waxayna dadka goobjoogayaasha ah sheegeen inuu geeriyooday Darawalkii Mooto Bajaajta.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu kaxeystay Mootadii uu Darawalkeeda dilay, kuna baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamada Amniga, gaar ahaan kuwa Booliska.

Ad

Dilka kadib waxaa goobtaasi isugu soo baxay qaar kamid ah Wadayaasha Mooto Bajaajta iyagoo dhigaya bannaanbax ay uga soo horjeedaan dilka, waana maalintii labaad oo dil bareer ah lagula kacayo Wadayaasha Bajaajta Muqdisho.

Taliska Booliska ayaa sheegay in Dableyda Hubeysan oo ka koobnaa labo nin oo mid kamid ah watay Qoriga AK47 ayaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Dhalinyarada ku shaqeysta Gaadiidka Moota Bajaajta ku dileen Agagaarka Isgoyska Jubba ee Degmada Shangaani.

“Ciidanka Booliska oo baaritaan hordhac ah sameeyay ayaana ogaaday in Eedeysanaha falka geystay iyo midka la socday labadu aheen askar dowladeed, raga ayaana goobta ka baxsaday, waxaana socda dabagal lagu hayo, dhawaan ayaana Bulshada la wadaagi doonaa waxa kasoo kordha” ayaa lagu yiri warka uu soo saaray Booliska.

- Advertisement -

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo saacad ka hor ay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Talyaha Booliska ka hadleen xaaladda sii xumaaneysa ee Amniga caasimada iyo askrta dowladda ee ku kacaya dilka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON