Tuesday, April 30, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay go’aankiisa Ciidamada Itoobiya ee jooga Somaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inay Soomaaliya iska difaaci doonto, haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo fulinta heshiiska ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato maamulka la baxay Somaliland.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato arrintan, Soomaaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa gardaradooda” ayuu yiri Xasan Sheekh oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isagoo ka hadlayay qaabka ay Itoobiya isaga difaacayaan ayuu yiri: “Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto”, balse ma auusan faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay inuu in kaliya aqbali karo in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wadahdal la galo , haddii ay marka hore Dowladda ka tanaasusho rabitaankeeda inay qaadato qeyb ka mida dalka Soomaaliya.

Mar la weydiiyay waxa laga yeelayo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh caddeeyay in uusan ka fikireynin eryida ilaa 3,000 askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Heshiiska isfgaradka ee Itoobiya la gashay Somaliland ayuu ku dooday Madaxweynaha Soomaaliya inay fursad siisay Alshabaab oo uu sheegay inay qorteen inta u dhexeysa 6,000 ilaa 8,000 oo dagaalyahanno cusub ah bishii Jannaayo 2024 oo keliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON