Sunday, May 5, 2024

Dagaalka Diblomaasi ee Somaliya iyo Itoobiya oo Cirka isku shareeray (Hadalka gilgilay Itoobiya)

Waxaa cirka isku shareeray dagaalka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib xiisada ka dhalatay heshiiska Itoobiya la gashay Somaliland ee ay ku dooneyso inay ku hesho dhul ka mida Soomaaliya.

Itoobiya ayaa si weyn uga carootay khudbad uu Ergeyga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ka jeediyay fadhigii Golaha Amniga ee xaaladda Soomalaiya toddobaadkan, isagoo Itoobiya ku eedeeyay inay ku jirto qorshe ay ku qaadaneyso dhul ka mida Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abukar Cabdi Cusman ayaa khudbadiisa ku sheegay in tallaabada Itoobiya heshiiska kula gashay maamul ka mida Soomaaliya ay tahay mid ay ku beddelayso xuduudaha iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sidaasina ay ku hurinayso is-aamin-la’aan iyo cadaawad u dhexeysa dadka Soomaalida iyo Itoobiya.

Ad

Qoraal kasoo baxay Ergada Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa loogu jawaabtay safiirka Soomaaliya, waxayna Ergada Itoobiya ee UN-ka qoraal ay soo saartay ku caddeysay in aad uga xun tahay hadalka kasoo yeeray safiirka Soomalaiya Abukar Baalle oo ay sheegtay mid xaqiiqada ka fog.

Itoobiya iyadoo aan qoraalkeeda kusoo hadal qaadin ‘Somaliland’ ayaa waxay ku dooday in heshiiska is-afgaradka ah uu yahay mid iskaashi ah oo labada dhinacba guul u ah, isla markaana Itoobiya ku heli doonto Marin-Badeed oo aysan rabin inay waxyeeleyso danaha dalalka kale.

Qoraalka Itoobiyaa waxaa mar kale ka jawaabay Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, waxayna Bayaan ay soo saareen ku caddeeyeen in Jawaabta Itoobiya ka timid ay tahay mid faaruq ah oo ahaan xaqiiqo ku dhisneyn.

- Advertisement -

“Isku dayga sharci-darrada ah ee Itoobiya ay ku dooneyso inay ku qabsato dhul Soomaaliyeed, kuna tllmaanto iskaashi guul ah, waxay xoojinaysaa qorshaha marin habaabinta ah ee Itoobiya ee ah inay ku xad-gudbeyso midnimada dhuleed ee Soomaaliya ayna khatar gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka.” ayaa lagu yiri jawaabta Ergada Soomaalida ee Qaramada Midoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON