Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameynayo Meydka marxuum C/naasir Muuse Dahable oo meydkiisa laga dejiyay magaalada Hargeysa, iyadoo kiiskiisa u baaritaan ku socday markii la sheegay in Gurigiisa magaalada Muqdisho lagu dilay.
Wasiiro ka tirsan Maamulka Hargeysa ayaa sheegay in Marxuumka la baarayo, iyadoo meydkiisa loo gudbiyey Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, kadibna loo sameyn doono aas qaran.
Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn u siyaasadeysay kiiska Marxuumka lagu dilay magaalada Hargeysa, halka hay’adaha Amniga dowladda Federaalka aysan weli soo saarin natiijad baaritaanka dilka Marxuum C/naasir Dahable oo la sheegay in loo xiray ilaa 9 qof.