Friday, May 3, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo qaaday tallaabo lagu yareynayo awoodda Maamul Goboleedyada [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay la wareegto awooda qorsheynta iyo ka talinta mashaariicda horumarinta dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ah tallaabada koowaad ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu qaadayo si uu u xoojiyo awoodda dowaldda Federaalka, waana talaabadii ugu weynayd ee lagu yareynayo awoodda  Maamul Goboleedyada dalka iyo Dalalka deeqda bixiya.

Qorshahan ayaa salka ku heysa in dowladda Federaalka ay kala wareegto Qaramada Midoobay maamulka iyo qorsheynta mashruuca JPLG oo ah sanduuqa ugu weyn ee laga maalgeliyo mashaariicda waaweyn ee ka socda Soomaaliya.

Ad
Maxamed C/llaahi Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya)

Mashruucan oo beesha caalamka  oo ay hogaamineyso Q/Midoobay maamuli jireen ayaa dowaldda Farmaajo dadaal ugu jirtaa inay la wareegto waxaan codsigaasi loo gudbiyay Q/Midoobay.

Maamul goboleedyada dalka siiba maamulada Somaliland iyo Puntland ayay si toos ah u saameyn doontaa arrintan waxaana magaalada Muqdisho jooga mas’uuliyiinta wasaarada arrimaha gudaha Puntland iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo arrintan la-tashi lagala sameynayo.

Agaasimaha mashaariicda ee wasaaradda gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Cali Nuur ayaa laga soo xigtay  in Puntland Muqdisho la tagtay qorshayaasha ku aadan baahiyaha ay doonayso in laga caawiyo, balse aanu jirin in msharuuca JPLG la wareegeyso dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON