Friday, May 3, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo kulan degdeg la yeeshay Hanti dhowrka Guud [Amar kasoo baxay]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan degdeg ah xalay la yeeshay Hanti-dhowrka Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Kulankan ayaa ka danbeeyay kadib markii habeen hore la jabsaday xafiiska Hanti dhowrka ee ku dhex yaalla madaxtooyada, kaasoo laga qaatay dokumentiyo iyo Qalab muhiim ah.

Kulanka ayaa looga hadlay wixii ka dhacay xafiiska Hantidhowrka iyo cidda ka danbeysay, waxaana madaxweyne Farmaajo uu amar ku bixiyay in baaritaan buuxa lagu sameeyo kiiskan oo ciddii uu ku lug yeelata la soo xiro.

Ad

Falkan ayaa xaalad kacsan ka dhaliyay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo baaritaan ay wadaan ciidamada NISA iyo kuwa AMISOM.

Lama oga cidda falkan ku kacday, laakiin waxaa loo badinayaa inay ka mid yihiin shaqaalaha iyo xubno awood ku leh gudaha madaxtooyada, taasoo xaaladda ka sii dhigeysa mid adag.

- Advertisement -

Hanti dhowrka aya howsha ugu adag e uu ku dhex jiray ahayd meeleynta lacag ku maqan xukumadii hore oo gaareysa 110 Milyan doolar, taasoo noqon kara arrinta ugu weyn ee laga shakin karo.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON