Friday, May 3, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo cadaadis weyn saaray Taliyeyaasha Ciidamada [Ma is casili doonaan..?]

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo is dabajoog ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada dalka.

Kulamadan ayaa u badnaa xisaabtan iyo wadatashi xaaladda ammaanka Muqdisho sidii wax looga bedeli lahaa kadib falal dilal ah iyo qaraxyo ku soo batay maalmihii ugu danbeeyay.

Taliyeyaasha ayaa dareemay cadaadis adag oo ka soo food saaray madaxweyne Farmaajo oo taliye kasta su’aalo adag weydiiyay, isla markaana ka dalbaday arrimo aysan awood u lahayn sida ay sheegeen saraakiil ku dhowdhow taliyeyaasha.

Ad

Taliyeyaasha ayaa lag amray inay la yimaadaan qorshe ay ku howlgalaan iyo inay qaataan mas’uuliyadooda iyadoo si cad loogu sheegay haddii aanay waajibaadka saaran kasoo bixi karin inay xilka isaga tagaan.

Arrintan ayaa keentay in taliyeyaasha ay dalbadaan mushaar joogto ah, saad iyo taakullo ka hor intii aan waajibaad lagu qabsan, waxayna ka hadleen baahi darran oo ciidanka ka heysata mushaarka, taakulada iyo saadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qaaday in bilaha soo socda ciidamadu heli doonaan mushaar kadibna la xalin doono saadka, laakiin lagula xisaabtami doono waxqabadkooda.

- Advertisement -

Cadaadis madaxweynaha ayaa loo tirinayaa inuu ka horeeyo xil ka qaadis lagu sameyn doono dhowr ka mida taliyeyaasha ciidamada dalka kadib marka la magacaabo xukuumadda cusub.

Goobjooge.com

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON