Friday, May 3, 2024

Madaxtooyada Somaliya: Farmaajo ayaa gudoomin doona Shirka Dhuusamareeb..” (Yaa ku heysata?)

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo uu guddoomin doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb, kadib markii uu galabta gaaray Madaxweynaha.

Warkan ayey Madaxtooyada Soomaaliya ka dhigtay hordhaca War-saxaafadeed ay kasoo saartay tegista Madaxweynha ee Magaalada Dhuusamareeb oo ku timid baaq ay ugu yeereen Madaxda Dowlad Goboleedyada oo halkaasi ku shiray 11-12-kii July 2020.

Ajandayaasha ayay Madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay: hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, Qabsoomidda Doorasho waafaqsan dastuurka, Sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Ad

Arrimahan oo dhan ayaa ka horjeeda qorshaha wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo kaliya ku saabsan xal u helidda khilaafka ka taagan Doorashada, waxaana laga cabsi qabaa inuu Madaxweyne Farmaajo halkaasi u tegay in lagu kala tago shirka.

Sida ka muuqata sawirro laga soo qaaday madaxtooyada Galmudug caawa Madaxweynaha Galmudug ee martida loo yahay Cabdi Axmed Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku adkeysanaya inuu guddoomiyo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON