Friday, May 3, 2024

Madaxda dooran ee Maamulka Hirshabeelle oo maanta lagu dooranayo Magaalada Jowhar

Waxa maanta magaalada Jowhar ka dhaceysa doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, iyadoo natiijada la sii ogyahay.

Doorashadan oo ah ti labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa si weyn uga soo shaqeeyay Hay’adda Siroonka Soomaaliya ee NISA iyo Madaxtooyada, waxaana lasii ogyahay inuu kusoo bixi doono musharaxa ay wadato Madaxtooyada ee Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo hore u ahaa madaxweyne ku xigeenkii Hirshabeelle.

Madaxweynaha dooran ee Hirshabeele Cali Guudlaawe oo si hordhac ah hambalyo loogu dirayo baraha bulshada ayaa waxaa la tartamaya Musharaxa kale ee C/raxmaan Jimcaale Cismaan. Wasiiro iyo xildhibanno ay ka mid tahay Khadiija Maxamed Diiriye ayaa usii hambalyeeyay Cali Guudlaawe, taasooo caddeyn u ah inaysan doorasho halkaasi ka dhaceynin ee Nin dooran la dooranayo.

Ad

Dhinaca kale xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa u sharxan oo lasii ogyahay inuu Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hore u ahaa guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana la tartanaya Musharaxa Maxamed Maxamuud Cabdule.

Doorashada 2020 ee Hirshabelle ayaa noqotay tii ugu buuqa yareyd ee u gacan gasha Madaxtooyada Soomaaliya oo hore madax iyada u daacad ah u geysata maamullada K/Galbeed iyo Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON