Friday, May 3, 2024

KASHIFAAD: Muxuu Guddoomiye Mursal ku bedeshay Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo..?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa soo gabagabeeyay mooshinkii xil ka qaadista madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kadib muddo 11 maalmood ah oo shaaciyey inuu qabtay.

Mooshinkan ayaa ahaa mid uu intiisa badan ka dambeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo si ana la fileyn u shaaciyey inuu qabtay Mooshinka Madaxweynaha, waxaana la xaqiijiyey inuu qeyb ka ahaa saxiixyada xildhibaananda qaarkood oo uu isagu u qalqaaliyey, laakiin waxaa markii danbe la ogaaday ujeedada uu ka lahaa.

Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa weerar aan waxba loo reebay ku qaaday Guddoomiye Mursal, waxayna qaarkood sheegeen inuu lacag ka qaatay Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale, laakiin xaqiiqada soo baxday ayaa noqotay in guddoomiyaha ay arrintan ku riixeen rag saaxiibadiisa ah.

Ad

Wadahadalkii dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda Sare ee dowladda waxaa lagu gaaray heshiis hoose oo ku saabsan in guddoomiye Mursal la siiyo jagooyin uu u doonayo rag saaxiibo ah iyo qaar u dhow.

Mida ka mida ragga uu doonayo in xil loo magacaabo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah taliye ku xigeenkii hore ee NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo al filayo in xil safiir loo magacaabo, waxaana jira ilaa laba qof oo kale oo iyagana xilal loo ballanqaaday.

- Advertisement -

Maxamed Mursal Sheekh ayaa ahaa nin aad ugu dhow Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna ka mid ahaa madaxda sida gaarka ah loo dhaqaaleeyo ee aan la fileyn inay ka hor yimaadaan madaxda sare, waxayna arrintan lama filaan ku noqotay Madaxweyne Farmaajo oo go’aan adag ka qaatay la-shaqeynta Mursal, balse ay ku diideen taliye xigeenka NISA iyo Ra’iisal wasaaraha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON