Friday, May 3, 2024

KASHIFAAD: Madaxweyne Farmaajo oo 30,000 Doolar ugu deeqay Guddiga Abaaraha [Aaway Sooryadii Sacuudiga..?]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Guddiga abaaraha soo gaarsiiyay lacag dhan 30,000 Doolar oo la sheegay in qoyska madaxweynaha loogu keenay si hadiyad ah.

Barnaamij caawa ka baxay TV-ga Qaranka ayaa oo uu si toos ah uga qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa looga dhawaaqay lacagta uu soo dhiibay madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale xog ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in socdaalkii Farmaajo ku tegay Boqortooyada Sacuudiga uu boqorka dalkaasi Salmaan Bin C/casiis sooryo ahaan u siiyay lacag dhan 3 Milyan oo Doolar.

Ad

Lacagtan ayaanay jirin cid ka hadashay iyo meel lagu bixiyay midna, waxaana hore madaxdii dalka u soo martay ay ku caan baxeen lacagaha sallaan ahaanta iyo sooryada looga helo boqorrada iyo amiirada carbeed inay si shaqsi ah u qaataan, iyadoo Farmaajo la filayay inuu ka duwanaado madaxdii hore.

Sharci ahaan in madaxda dowladda iyo shaqaalaha la siiyo hadiyado ay lacag ka mid tahay ayaa ah mid aan la ogeleyn oo sharci darro ah, waxayna mararka qaar gaartaa in la xaaraantinimeeyo iyadoo isu bedeli karta laaluush.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa isna sheegay inuu ku yaboobay daawo ka badan 2 tan. Daawadan oo ah tan shubanka looga hortago ayaa hore deeq ahaan loo siiyay Ra’iisal wasaaraha.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON