Sunday, May 25, 2025

Xiisadda Siyaasadeed ee Rooble iyo Farmaajo (Yey taageersan yihiin Ciidamada, yaase tanaasuli doona..?)

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay kiiska Sarkaaladda NISA ka tirsaneyd ee la waayey Ikraan Tahliil Faarax ayaa weli ka dhex taagan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca Farmaajo ayaa shalay isku dayey inuu awood milateri muujiyo, waxaana uu ciidamo geeyay xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo ay ka howlgalaan Warbaahinta Dowladda ee Raadiyaha iyo TV-ga, waxaa kaloo ciidamada Booliska ay gacmaha ula tageen dadweyne si nabad ah u bannaanbaxayey, laakiin waxay dib uga laabteen tallaabooyinkaasi.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isagu xoogga saaray inuu saameyn ku yeesho oo dhinaciisa ay taageeraan taliyeyaasha ciidamada, wuxuuna kulan la yeeshay dhammaan taliyeyaasha, isagoo u yeeray dhinaca kale Xeer iaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ad

Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay inuu heysto taageerada Taliyeyaasha Milatariga, Asluubta iyo Agaasimihii NISA ee xilka laga qaaday, halka Taliyaha Booliska uu marna dhexdhexaad iska dhigo marka kalena isu muujiyo inuu u dhow yahay Ra’iisal wasaaraha.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Farmaajo uu kasoo debcay mowqifkiisii hore, haddana uu ogolaan doono xil ka qaadista Agaasimaha NISA, balse uu doonayo heshiis meel dhexe ah oo laga gaaro arrinta khilaafka keentay ee Kiiska, meeshana laga saaro dacwadda iyo baarista kiiska.

Rajada Farmaajo waxaa quus kusii riday taageerada uu helay Ra’iisal wasaare Rooble oo isugu jirta mid shacab iyo siyaasadeed, isagoo ay weji gabax ku noqotay inuusan weli ka hadlin maqnanaanshaha Ikraan Tahliil, qeybna ka ahayn cadaaladda loo raadinayo.

- Advertisement -

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in xaaladda la qaboojiyo, iyadoo tanaasulka Farmaajo uu yahay mid ay shuruudo ku xiran yihiin oo ay adag tahay inuu aqbalo Ra’iisal wasaare Rooble, sida inuu isagu magacaabo Agaasimaha cusub ee NISA.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON