Friday, May 3, 2024

Haweeney Ajnabi oo la sheegay in lagu afduubtay Magaalada Muqdisho & Ciidamado tegay Xarunta ICRC

Wararka lagala helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haweeney ajnabi ah  u ka mida shaqaalahaya Hay’adda ICRC lagu afduubtay Muqdisho.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in haweeneyda laga afduubtay Guri deganaayeen shaqaalaha Hay’adda ICRC oo ku yaalla agagaarka Isgoyska SOPE ee laami-yaraha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, una dhow Hotelka Shaamow.

Ma jirto wax faafhaahin ah oo laga helay kiiskan afduubka ah iyo cid xaqiijisay, kaasoo haddi uu xaqiiqo noqdo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho ka dhaca muddooyinkan caasimadda.

Ad

Wararka qaar ayaa sheegaya in loo fududeeyay afduubka, iyadoo weli aanay wax war ah kasoo bixin Hay’adda ICRC iyo Hay’adaha amniga ee dowladda midna. Haweeneyda la afduubtay ayaa la sheegay inay u dhalatay dalka Jarmalka, iyadoo qof kale lala afduubtay oo shaqaalaha ka mida.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Boolis iyo NISA ayaa goor dhoweyd gaaray xarunta hay’ada ICRC ku leedahay Wadadda Laami-yaraha, iyagoo baaraya waxa ka jira falka afduubka ah ee la sheegay inuu halkaasi ka dhacay.

Lama oga qaabka afduubka u dhacay iyo cidda ka danbeysay, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay inaysan maqlin wax rasaas iyo iska hor imaad ah. Waxaa socda baaritaanka kiiskan, iyadoo aagga xarunta ay ku taallo ICRC ay ciidamo fara badan go’doomiyeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON