Monday, May 6, 2024

Guddoomiyihii Hay’adda Tayo-dhowrka oo Musuq Dartii Shaqada looga joojiyey (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jibriil Cabdirashid Xaaji ayaa shaqadii ka joojiyay Maareeyihii Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Cali Yaasin Gurbe.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka ayaa lagu eedeeyay maareeyaha ku takrifal, awoodeed, la-tashi laaan iyo inuu saxiix aanu wasiirku gudbin lu soo saarey lacag badan si musuqmaasuq ah loo isticmaaly, waxaana xilkii Maareeyaha Guud ee hay’addaas si ku meel gaara loogu dhiibay Maareeye ku xigeenka Hay’adda Marwo Xaawo Axmed Xasan.

Wareegtada Wasiirka hoos ka akhriso

Ad

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Xafiiska Wasiirka
SUMMAD: WGW/XW/058/2023 TAAR: 04/01/2023

Ujeedo: Shaqo ka joojin Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Markuu arkay: Qod. 102 ee Dastuurka KMG JFS Markuu arkay: Sharci LR 14 ee 3 Juun 1962 kuna saabsan Nidaamka Dhismaha Dowlada iyo wax kabedelkii ka danbeeyay ee Sharci LR 1 ee 7 Feb 1965 (organization of the Government)

- Advertisement -

Markuu arkay: qodobka 8-aad sharci ee LR 27 ee 30 March 2020 ee Jaangoynta iyo Tayo-Dhawrka oo si cad u qeexaya inay hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ay maamul ahaan hoos tageyso Wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS.

Markuu arkay: Qodobka 14-aad farqadiisa 3-aad Sharci Lr 27, 30 March 2020 ee Jaangoynta iyo Tayo-Dhawrka

Markuu arkay: Wada-shaqeyn la’aanta ka timid Maareeyaha Guud ee Hay’adda iyo curyaaminta hamsami usocodka waajibaadka ku xusan qodobka 7-aad farqadiisa 5-aad sharci Lr 27 30 March ee jaangoynta iyo Tayo-Dhawrka.

Markuu arkay: in Maareeyaha guud ee hay’adda uu abuuray kala qayb sanaan hay’adda Dhexdeeda ah.

- Advertisement -

Markuu arkay: Maareeyaha guud khilaafka iyo wadasheyn la’aanta kala dhaxeysa gudiga sare ee hay’adda (Boardka) iyo Maareeye ku xigeenka kuna saleysan wada tashi la’aan iyo ku tagri fal awoodeed.

Markuu arkay: In saxiix aanu wasiirku gudbin lagu soo saarey lacag badan si musuqmaasuq ahna loo isticmaaley.

Markuu arkay: in Maareeyaha guud baal marayo Talooyinka iyo soojeedinada Wasaaradda iskana indha tirayo kala sareynta shaqada taas oo gundhig u ah dhamaan hawlaha hay’adda.
Wuxuu xeeriyay

Qodobka 1-aad Laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2023 in Cali Yaasin Gurbe laga joojiyay ku hawl gelidda xilka maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

Qodobka 2-aad In Maareeye ku xigeenka Hay’adda Marwo Xaawo Axmed Xasan si ku meel gaar ah ugu sii shageyso Xilka Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed.

Qodobka 3-aad Waxaa dhamaan hay’adaha wada shaqeyntu kala dhaxeyso Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed laga codsanayaa in ay la shaqeeyaan gacana ku siiyaan gudashada waa jibaadka shaqo ee sii hayaha Xilka Maareeyaha guud ee Ilay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan.

Wada Shaqeyn Wacan,

Xil. Jibril Cabdirashiid Xaji Cabdi
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON