Friday, May 3, 2024

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo farriin culus u diray Xukuumadda Kheyre [Akhriso]

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay isku dhaca u dhaxeeya xildhibaanada iyo xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Mahad Cabdalla Cawada oo ka hadlay kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa ka hadlay cabasho ay xildhibaanada ka keeneen olole ay sheegeen in lagu hayo magaca iyo sharafta xildhibaanada oo ka bilowday xafladii Furitaanka Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.

Riwaayad lagu soo bandhigay xaflada ayay ka caroodeen xildhibaanada oo qaarkood isaga baxay xaflada furitaanka, waxaa ka dambeeyay hadallo ka soo yeerayS heekh Nuur Baaruud Gurxan oo xaaladda uga sii daray.

Ad

Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad wuxuu sheegay in xildhibaanada ay ku shaqeeyaan sharci iyo qodobo Dastuuri ah, isla markaana xaq u leeyihiin inay Mooshin ka keenaan xukuumadda.

 

Wuxuu sheegay inaysan dheg jalaq u siin doonin wararka qaar ee Warbaahinta laga sii deynayo ee shaqsiyaad kala duwan ku ceebeynayaan xildhibaanada Qaranka, wuxuuna si cad u sheegay in sharcigu siinayo xildhibaanada in ay mooshin ka keeni karaan Xukuumada haddii ay gudan weyso waajibaadkii kalsoonida loo siiyay.

- Advertisement -

Wuxuu farriin u diray xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre isagoo ugu baaqay inay si dhow ula shaqeyso baarlamaanka, kana fogaato dhaqamadii xukuumadihii hore ee fashilka ku danbeeyay.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON