Thursday, May 2, 2024

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Lacag ka badan 45 milyan Doolar oo kusoo korortay Miisaaniyada dowladda ee 2019

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirkii caadiag ahaa Golaha wasiirrada oo looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018 oo weli aan loo gudbin.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa golaha uga war bixiyay natiijadii shirkii dhowaan Addis Ababab ku dhex maray dowladda iyo Sanduuqa Lacagta Addunka (IMF) ee dib-u-eegista qaybtii 1aad ee SPM4 iyo meesha uu marayo qorshaha dalka deynta looga cafinayo, ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, oo dood kadib golohu cod wadar ogol ah ay ku meel mariyay.

Miisaaniyadda 2019 ee ku noqshadeeda golaha wasiirradu ansixiyeen iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, ayaa loo gudbinayaa golaha shacabka si ay u meel mariyaan. Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada maanta goluhu ansixiyayna waxa ay tahay 390.1 Milyan, guud ahaan farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, waa 45.9 Milyan oo doollar.

Ad

Inta Badan Kororka miisaaniyadda 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar. Ku tala galka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2019 ayaa ahaa 154.3 Milyan, waxaana la rajeynayaa in uu gaaro 168.8 Milyan oo doollar.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli xisaabxir ku sameyn labadii sano ee ay xilka heystay, waana isbedelkii labaad ee kororsiimo ah, iyadoo ay arrintan u baahan tahay inuu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka oo fasax ku jira.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON