Tuesday, April 30, 2024

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiis Milateri oo dhex maray Somalia iyo Turkiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen ku ansixiyey heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga.

Shirka Golaha wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goluhu lagu hor keenay inuu ku ansixiyey heshiiska Milateri oo ay dhowaan kala saxiixdeen wasiirada Wasiirka difaaca dalalka Somaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan Milateri oo sida la sheegay socon doona muddo 10 sano ah ayaan wax faafhaahin ah laga bixin, waxaana la filayaa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku faahfaahiyo xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka oo uu maanta khudbad u jeedin doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON