Tuesday, April 30, 2024

Kiiska Ninkii Xaaskiisa Gubay oo ka bilowday Muqdisho iyo sida uu isaga fogeeyay Denbiga

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay kiiska dacwadda dilka ah ee uu ku eedeysan yahay Sayid-Cali Macalin Daa’uud, kaasoo loo heysto inuu xaasiiskiisa ku gubay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir ayaa fadhiga maxkamadda ka akhriyey eeda loo heysto eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ah inuu si bareer ah u dilay, ugu soo Baasiin shubay, kadibna dab qabadsiiyay iyo sidoo kale dhaawac uu gaarsiiyay gabar ay dhashay haweeneydii uu gubay.

Xeer ilaalinta ayaa kusoo eedeysan ninkan qodobadda 39, 440 iyo 441 oo uu ku muteysan karo ah Toogasho, waxaana eedeysaha uu sheegay inuu Dood sharci ah ka qabto, waxayna maxkamadu diiday is-hortaag uu sameeyay qareenka eedeysanaha oo in wax ka bedel lagu sameeyay qodobadda eeda.

Ad

Dhammaan eedihii loo jeediyay eedaysanaha wuxuu Maxkamadda ka hor sheegay inuu dood sharci ah ka qabo, iyadoo qoraal ay ka qortay xeer ilaalinta uu ninkani ku dooday in shilku u dhacay si aan ku talogal ahayn.

“Caddeynta laga qoray eedeysanaha wuxuu ku leeyahay: Xaaskiisa inay Shidaal derbiga ku daadin jirtay, kadibna Qori Cuud inuu ku shiday Qolkii ay ku jireen, kadibna markii markii ay fara ciyaareen iyadoo shidaal gacanta ku heysa inuu dabku sidaasi ku kacay.. wuxuu kaloo sheegay inay is qabteen oo u doonayay inuu gubo jiifka. Mar kale wuxuu sheegay inuu Jiifkii Gubay, balse ay taasina aysan dhicin..” ayuu xeer ilaaliyaha ka hor sheegay fadhiga Maxkamadda.

Baaraha Kiiska ee CID-da ayaa maxkamadda ka hor sheegay in caddeymaha uu ka qoray eedeysaha uu ku sheegay inuu khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo xaaskiisa, isla markaana ay maalin ka hor ka dalbatay inuu furo, uguna tago guriga, isaguna uu sheegay inuusan tageynin oo jiifkiisa uu gubayo.

- Advertisement -

Wuxuu intaas ku daray inuu Sayid-Cali ahaa nin maseyrsan iyo khilaaf ka dhaxeeyay oo keenay inay is qabtaan, khilaafka iyo maseyrkuna ay keeneen gubista uu ku kala kacay.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda la wadaagtay dhammaan caddeymihii qaabka loo gubay, iyadoo marxuumadu lahayd Uur 2 bilood ah iyo inay xanuunsaneyd oo isbitaallo badan ay tagtay.

8 Markhaati ayey makamaddu aqbashay in la horkeenayaa, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha, waxaana maanta hortegay Maxkamadda saddex ka mida caruurtii ay dhashay Marxuumad Luul C/casiis oo uu ku jiro wiil yar oo Dabka ku dhaawac yar kasoo gaaray.

Waxaa la dhageystay hal markhaati oo aan goobjoog ahayn dhacdada iyo wareysi lala yeeshay saddex ka mida caruurta Marxuumad Luul, iyadoo markhaatiyeyaashii kale la waayey, balse xeer ilaalintu ay dalbatay inay dib ka keeni doonto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON