Wednesday, September 18, 2024

Khudbad-jeedinta Madaxweynaha oo loo bedelay Qarsoodi ah iyo Saxaafada oo laga saaray

Fadhigii gaar ka ahaa ee xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa inuu dhowaan ka bilowdo xarunta Villa Hargeysa, iyadoo uu khudbad ka jeedin doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka laga helayo xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fadhiga loo khudbad jeedinta Madaxweynaha loo bedelay mid xiran, iyadoo laga saaray saxaafadda dowladda iyo kuwa gaarka ah.

Waa kulankii ugu horeeyay ee khudbad jeedin ah oo Madaxweyne uu dalbado inuu noqdo mid xiran oo saxaafadda bannaanka ka joogto, iyadoo wararku sheegayaan inuu ku faahfaahin doono heshiiska Milateri ee Turkiga iyo Somaliya, kaasoo ay maanta si degdega u ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Ad

Faahfaahinta heshiiska ayaan si rasmi ah loo ogeyn, inkastoo wararka soo baxay ay sheegayaan in heshiiska milateri ee Somaliya iyo Turkiga uu yahay mid iskaashi difaac ah oo ciidamada Badda Turkiga lagu wareejinayo difaaca Baddaha Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON