Friday, May 3, 2024

Gen. Gorod: “Ciidamo isku khaldamay ayay ahaayeen, Wax yaroo rasaas ah isku riday, yaa idin soo gaarsiiyey idinka..” [Dhageyso]

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod ayaa ka hadlay isku dhac ciidamada dowladda dhexdooda dhex maray oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliye Gorod ayaa dafiray in jiraan dad ku dhintay, wuxuuna sheegay in hal askari dhaawac fudud kasoo gaaray kaliya, arrintaasina aysan ahayn wax weyn oo u baahan in la sheego, wuxuuna weriyihii wareysanayey weydiiyay: “Yaa ku soo gaarsiiyey adiga..”.

Taliyaha ciidmaada Xoogga ayaa qiray in ciidamada iska hor imaadka dhex maray ay yihiin kuwii uu Imaaradka tababarray ee xerada Ge. Gordon ku jira iyo ciidamada NISA ayna arrintaasi ka dambeysay amarro  iska horjeeda oo la siiyey, wuxuuna ku adkeystay in amarka ciidamada Imaaraadku tababarray ay leeyihiin dowladda.

Ad

Sida la xaqiijiyay Laba qof ayaa ku dhimatay 7 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad labada ciidan dhex ku dhex maray maanta Isgoyska Trebuunka, kaasoo keenay inuu gebi ahaan xirmo isu socodka dakda iyo gaadidka.

DHAGEYSO WAREYSIGA VOA EE JEN. GOROD

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON