Tuesday, April 30, 2024

G/Banaadir: 94% Ardayda ku hartay Imtixaanka Dugsiyada Sare & 95 ka mida 100-ka Iskuul ee ugu liita (Akhriso)

Kadib markii ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya shaacisay natiijooyinka imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare 2021 ayaa waxaa soo baxay in Gobolka Banaadir uu mar kale noqday midka ugu hooseeya waxbarashada.

Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare oo ay ka qeyb galeen 34,908 arday oo ku kala sugan gobolka Banaadir, iyo maamul goboleedyada Jubaland, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Ardayga hartay ama dhacday waxay 94% yihiin ardayga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Waxaa imtixaanka ku haray 4,646 oo arday, ama 13.3% ardaydii gashay, kuwaas oo badankood ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir. Sidoo kale waxay 2 Dusgi oo kaliya ku leeyihiin 30-ka Dugsi ee ugu fiican Imtixaanka.

Ad

16-ka Arday ee ugu horeeya imtixaanka Dugsiyada sare sanadkan 2021 oo galay 10-ka kaalin ee ugu horeyay, wuxuu Gobolka Banaadir ku leeyahay 3 Arday oo kaliya oo kala galay kaalimah 2-aad, 4-aad iyo 7-aad.

Mar kale wuxuu Gobolka Banaadir noqday Gobolka ay ku yaallaan dugsiyada ugu liita imtixaanka, waxaana 100 Dugsi ee ugu hooseeya imtixaanka uu ku leeyahay 95 Iskuul.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ku hanjabay in Dugsiyada saddexdii sano ee ugu danbeeyay ardaydoodu dhaceysay iyo Iskuulada aan dhigin fasaladda 1-aad iyo 2-aad ee Dugsiga Sare ay tallaabo ka qaadi doonaan.

- Advertisement -
MAAMULKATIRADA ARDAYDAINTA GUDUBTAYINTA HARTAY
Galmudug2,3022,3002
Jubbaland1,1581,1553
Hirshabelle1,6271,6198
K/Galbeed3,7903,539251
Banaadir26,031216494,382
Goobjooge.net
No photo description available.
May be an image of text that says 'Dugsi WASAARADDA Xafiiska Imtixaanaadka 100 dugsi ee ugu Wadar Arday Gudbay Banaadir IYO TACLIINTA SARE Shahaadooyinka Imtixaanka Bulsho Rajab Celcelis 21 59 Nabada Royal Gudbay 59 25 28 SOFE Fahad 69 26 20 16 Silver Saqaawudiin Banadir Zone 10 102 46 27 Al-Huda 10 34 Zone lodon 35 Iman 25 26 20 29 1 10 11 13 20 11 1 22 25 3 Al-Nahren 33 32 Banaadır Hussein Mount Surad 75 20 10 16 4 12 25 40 khuzaima 1 35 11 9 40 Banaadir 50 Al-Imra juungal 70 41'
May be an image of text that says 'State Banaadir Banaadir WASAARADDA Xafiiska Imtixaanaadka 100 dugsi ugu Dugsi Wadani Razma IYO TACLIINTA SARE Shahaadooyinka Imtixaanka Wadar Arday Gudbay Haray Celcelis 23 14 10 Al-Nahreyn Agoon Bile Heliwaa Dugsi Suweys Banaadir Banaadir 4 14 49 Banaadir Gudbay Haray Celcelis 39 Hamar 12 21 28 30 Banaadır 40 26 65 Marka Secondary Darul 38 f0 36 86 53 Banaadir 29 Al-Huda 26 20 73 SOFE 71 38 86 35 Amir Midnimo 18 28 35 21 22 13 19 Banaadir mamun Aqoon Hodan 34 22 Secondary 83 Fathurahman 58 21 106'

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON