Sunday, April 28, 2024

Taliska Booliska oo joojiyay shaqo ka socday Dhisme la sheegay inay leedahay Wasaaradda Warfaafinta

Taliska Booliska magaalada Muqdisho ayaa joojiyey dhisma ka socday goob Hotel ah oo la sheegay inay leedahay Wasaaradda Warfaafinta oo ku taalla degmada Hodon.

Ciidamo uu horkacayo Taliyaha ciidanka Booliska Qaybta guud ee  Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare  Farxaan Maxamuud Qaroole oo ay la socdaan Taliyaha Booliska Qeybta Waliyoow Cadde Kornayl Yaasiin Ganey iyo Taliyaha Saldhiga ee Booliska Degmada Hodan Bashiir Durqan ayaa Amar ku siiyey shaqaalihii dhismaha ka waday Hoteelkii Cabitaanada ee Taleex inay shaqada joojiyaan.

Joajinta dhismaha xaruntan waxaa arrintiisa la socday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, waxaana uu sheegay in Hoteelkii Taleex uu yahay mid ka mid ah Guryaha Danta guud ee hoostaga Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaanba hantida Qaran ee ay Wasaaradu leedahay.

Ad

Lama sheegin cidda dhisaneysay Dhismahaasi, sida ay ku hantiday iyo haddii ay jirto dacwad lagu soo oogay oo ku saabsan dhismaha la joojiyey iyo lahaanshihiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON