Wednesday, February 19, 2025

Hay’adda NISA oo jebisay Amarkii RW Rooble (Guddoomiye hore iyo xubno laga celiyey Garoonka Muqdisho)

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa shaaciyey in maanta laga celiyey garoonka diyaradaha magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeday Gobolka Gedo.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Muqdisho ayuu ku caddeeyay inuu safar u ahaa Gobolka Gedo, balse laga soo celiyey garoonka Diyaaradaha, si cad loogu sheegay inay heysato Nabadsugidda, gaar ahaan ninka lagu magacaabo C/llaahi Kulane (Jiis).

‘isma lahayn garoonka ayaa dad laga soo celin doonaa, markii uu soo baxay amarka ra’isal wasaaraha.. Qoladii diyaaradda ayaa lala hadlay, waxaana loo sheegay in Macalimuu iyo dadka la socda aanay bixi karin.. Waxaan ka dalbanay in cidda na heysta ay nooo caddeeyeen, waxayna noo sheegeen inuu amarka bixiyey C/llaahi Kulane oo Nabadsugidda madax ka ah..” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gedo oo Ra’iisal wasaaraha ugu baaqay inuu is casilo ama xilka ka qaado Kulane Jiis.

Ad

“Halkan waxaan ku xayirranahay 7 bilood, Kulane Jiis wuxuu u adeeggaa Farmaajo oo aniga ii yeeray markaan Xamar imaanayey.. Wa ceeb in awoodda Ra’iisal wasaaraha la isticmaalo.. Amarkii Ra’iisal wasaaraha ee la wada maqlayey inuu diido sarkaal NISA ka tirsan waxaa la oran karaa inuusa Ra’iisal wasaare jirin…” ayuu yiri Macalimuu oo sheegay inay jawaab ka sugayaan Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaa ceeb ah maanta in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Amniga dalka iyo amarka heysta inta Xukuumad laga dhisaayo amarka uu bixiyay cida diiday malaha meel kale ayaa laga xukumaa waxaan ku qanci karnaa in Kulane jiis Xilka laga Qaado” ayuu sii raaciyey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON