Sunday, May 5, 2024

Faahfaahin ku saabsan Dadka lagu waayey Qaraxii Ex. Kontrol Afgooye [Waxaa nolol lagu helay 6 Qof & Meydka…]

Dad badan ayaa weli lagu la’ yahay qaraxii weynaa ee Ex Kontrol Afgooye, kadib markii 2 maalmood la ururiyey xogta waxyeellada uu geysatay qaraxa ayaa lasoo saaray dadka ilaa hadda lagu waayey qaraxa.

Dadka la waayey ayaa isugu jira dad la waayey oo weli maqan iyo qaar nolol iyo geeri lagu helay, waxayna kala yihiin 25 qof oo 3 ka mida ay haween yihin, 8 kalena ay caruur yihiin. sida uu shaaciyey Guddiga Gurmadka uu shaaciyey in 25-kii qof ee la waayey 12 ka mid ah la helay oo kala ah: 5 dhimasho lagu helay, qof dhaawac ah iyo 6 ruux oo caafimaad qaba, iyadoo hore qof kale loogu helay Geeri.

Dhimashada ka dhalatay qaraxii Ex. Kontrol ayaa xalay gaartay 83 qof, markii saddex qof oo kale ay dhinteen, kuwaasoo kala ah laba qof oo Muqdisho ku dhintay iyo haweeney ka mid dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo isla xalay geeriyootay.

Ad

Qaraxa ayaa sidaasi ku noqonaya kii labaad ee ugu qasaaraha badnaa oo ka dhaca Soomaaliya, marka laga reebo Qaraxii Soope, waxaana dhimashada guud ahaan marka lagu daro dadka maqan ay gaareysaa ilaa 107 ruux.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON