Tuesday, October 3, 2023

Weriye Cabdalla Muumin oo ugu dabeyn gaaray Nairobi, Qormo Qiiro lehna kasoo diray

-

- Advertisement -

Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa caawa gaaray Magaalada Nairobi oo qoyskiisu degan yahay kadib muddo 6 bilood ah oo dacwad ku socotay, xabsiga la dhigay.

Qoraal uu caawa soo diray ayuu ku faahfaahiyay dhacdadii ugu danbeysay ee shalay looga reebay diyaarad ku socotay magaalada Nairobi iyo qaabka cadaalad darrada ah ee loola dhaqmay, waxayna qormadiisa ku bilaabatay:


“Shalay waxaa markii saddexaad la iga hor istaagay inaan ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Agaasimaha Waaxda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo aan telefoonka kula hadlay ayaa ii sheegay in amar xayiraad safar uu iga yaallo garoonka. Waxaan garoonka ku sugnaa 10:00 AM illaa 3:00PM iyo dheeraad.

Markii aan garoonka soo galay, waxaan dareemayey xiisad, waxaana dhacday in rag boolis ah iyo dharcadka NISA ay isku dayeen inay iga hor istaagaan gelista terminalka. Xogta aan markii danbe helnay ayaa sheegeysa in amarka xayiraadda safarkayga uu bixiyay agaasimaha NISA Mahad Salaad. 11kii Oktoobar 2022 iyo 18kii Oktoobar 2022 ayaa sidaan oo kale garoonka la iga celiyay.

- Advertisement -

Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xannuunsanayey, iska daa inaan daawo helo e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey. In qof ehelkayga I soo booqdo iyo inaan xitaa qorraxda helo waxay ahayd lacag oo waa la iga iibinayey cadeynteedana waan hayaa. Waxaa waxkasta iiga xannuun badan cuqdada iyo murugada lagu beeray carruurtayda oo illaa hadda is weydiinaya sababta ay u arki waayeen aabahood muddo 6 bilood ah.

Intaas oo xadgudub ah waxay igu qabsadeen magaalada Muqdisho oo ah tii aan ku barbaaray, wax ku bartay, nolosheyda badankeedana ku soo qaatay, labadeyda waalidna ku aasan yihiin. Waxaan waayey caddaalad. Maxkamaddii aan xaqsoorka u doontay labo Saalax (Saalax Dheere iyo Saalax Dabaan) ayaa mindiyo mariid leh iigu afeystay. Waxaa la ii beegsaday qof ahaan iyo qoys ahaan, welina ma dhammaan. Sharcigii iyo dowladnimadii waxay noqdeen sida ay rabaan kooxda tirada yar ee mulkiilayaasha isku sheegtay. Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood. Dulmiga ayaa ka awood batay caddaaladda.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan inta samaha jecel oo ka dhiidhisay gardarrada iyo dulmiga. Si gaar ah, waxaan bogaadinayaa mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa aqal, bahdeyda saxaafadda, bahda xuquuqda aadanaha, diblomaasiyiinta caalamiga, qareennada, siyaasiyiinta madaxa-bannaan iyo shacabweynaha Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) oo I garab istaagay.

Hadda Muqdisho waan ka safray, anigoo qandho kulul ay I heyso, anigoo caddaalad ku dhex waayey, anigoo Soomaalinnimadeydii shaki la geliyay, anigoo 166 maalin ku jiray afduub, lana xaqiray xuquuqdayda muwaadinnimo iyo anigoo meelkasta ku badbaadi waayey. Xaq ninkiisii daba joogo ma lumi doono insha Allaah!

Illaahay ayaan talada saartay, isaga ayaana igu FILAN!

W/Q: Cabdalla Ahmed Muumin
Xoghayaha ururka SJS

Weriye Cabdalla Muumin


- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Hay’adda NISA oo Sufyaan Taakeeye kasoo dejisay Muqdisho iyo dowlada Kenya…

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa shaaicay inay gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo ah weriye hore, kaasoo furtay...

Maxkamadda G/Banaadir oo sii deysay Agaasimeyaal iyo xubno lagu waayey Musuqmaasuq

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhameystirtay habaabka xoriyad siinta, siina deysay xubnihii lagu waayey eedihii xatooyada xoolo-dadweyne ee lagu soo oogay.Xubnahan oo xeer ilaalinta kusoo...

Siyaasi iyo Nabaddoon Caan ah oo ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabaddoon iyo siyaasi caan ah oo soo noqday Safiir iyo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.Marxuumka...

Wararkii ugu danbeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Istanbul

Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxeyso.Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Cali Yerlikaya ayaa...

Ciidamada Dowladda iyo Macaawisley ku dagaalamay Degmada Maxaas

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa beelaha degaanka ay Galabta ilaa caawa ku dagaalameen degmada Maxaas.Dagaalka ayaa...

Siyaasiyiinta Mucaaradka Lafta-gareen oo Dalab culus hordhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay siyaasiyiinta kasoo jeeda K/Galbeed Soomaaliya ee mucaaradka ku ah madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Lafta-gareen.Siyaasiyiintan...

Xubno Alshabaab ka tirsan oo mar labaad Dil Toogasho ah lagu xukumay

Laba Nin oo hore loogu helay inay ka tirsanaayeen Alshabaab ayaa mar labaad lagu xukumay Dil Toogasho ah, iyagoo la sheegay inay dilal qorsheysan...

XOGAHA QARSOON

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

XOG: Maxaa ka jira in Xilka laga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..?

Waxaa isa soo taraya wararka ku saasban xil ka qaadista Guddomiyaha Gobolka Banaadir Guddomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la sheegay inuu qarka u...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!