Friday, May 3, 2024

Doon Puntland sharci siisay oo lagu qabtay Thailand iyadoo sida Kalluun Sharci darro xad-dhaaf ah [Sawirro]

Warbaahinta dalka Thailand ee (Nation Multimedia Group) ayaa baahisay in Booliska dalka Thailand ay qabteen Doon kalluumaysi oo kalluun sharci darro ah ka qaadatay xeebaha Soomaaliya iyadoo heysata Sharci ay siiyeen Maamulka Puntland.

Doontan oo ay saarnaayeen 22 qof isugu jira Thailandese iyo Combodian. Waxay Doontani ka tagtay xeebaha Puntland ee Soomaaliya halkaas oo ay ka haysatay shati (license) ogolaansho kalluumaysi.

Baaritaan lagu sameeyay Doonta oo ay qaadeen Booliska Thailand ayaa lagu ogaaday in culeyska kalluumaysi ee Doonta Shatiga lagu siiyey uu ahaa inay qaadato kalluun dhan (270,000 kg), laakiin doonta laga helay kalluun dhan (500,000 kilograms) taasoo khilaafsan wixii lagula heshiiyey, haddiiba sharciga la siiyey uu sax yahay, iyadoo doonto sameysay Xatooyo baahsan oo kheyraadka Soomaaliya ah.

Ad

Saraakiisha Booliiska Thailand ayaa la sheegay inay lasoo xiriireen saraakiilsha Puntand ayaa loo sheegay inay heleen jawaab ah inaysan Doontaas aysan u diiwaan gashanayn oo aysan siin wax sharci kalluumaysi ah, iyadoo la arkay in Doontu aysan lahayn qalabka lagu aqoonsado Doomaha sharciga ee loo yaqaan (Vessel-monitoring system).

Dowladda Thailand ayaa la sheegay in dacwad ku qaadeyso Doontan, taasoo ku saabsan Kalluumeysi sharcidarro ah.

Maamulada dalka ka jira sida Puitland iyo Somalilamd ayaa maamul waliba bixiyaa Shatiyo kalluumaysi oo sharcidarro, iyadoo aanay jirim cid koontarooli karta maraakiibtaasi.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON