Friday, May 3, 2024

DEGDEG: Raila Odinga oo ka baxay Doorashada kuceliska Kenya, kuna baaqay in la joojiyo

Musharaxa Isbaheysiga Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ka baxay tartanka doorashada ku celisk ah ee dalka Kenya.

Shir jaraa’id oo ay qabteen isbaheysiga Mucaaradka Kenya ee NASA ayay ku sheegeen in Raila Odinga & Kalonzo Musyoka ay ka baxeen doorashada madaxweynaha ee ku celiska ah dalka Kenya oo la qorsheeyay inay dhacdo 26-ka bishan Oktoobar.

Raila ayaa sheegay in isaga iyo kuxigeenkiisa Kolonzo Musyoko ay go’aansadeen inay isaga haraan Tartanka doorashada Madaxweynaha, isla markaana aan laga aqbalin dalabkii ay gaarsiiyeen Maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Ad

Raila Odinga ayaa sheegay in “go’aankoodu uu ahaa in doorashada ku celiska ah lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka”.

Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in “IEBC ay si ula kac ah uga hor timid isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah”.

- Advertisement -

Waxay guddiga ku eedeeyeen in uu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee. “Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay ayaga ku guuleystaan,” ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Waxay guddiga ugu baaqeen in uu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celis ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON