Thursday, May 2, 2024

DEGDEG: Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir [Waa kuma..?]

Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guddoomiye cusub uu maanta yeelanayo Gobolka Banaadir, kadib xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed, lana magacaabay guddoomiye cusub.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir loo magacaabay C/raxmaan Cusmaan Cismaan (Yariisow) oo hore u ahaa Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, kadib markii ay soo jeediyeen  inta badan xubnaha Beesha Mudullood ugu jira xukuumadda Soomaaliya.

Magacaabidda guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadira ayaa waxaa iminka shaaciyey warbaahintad owladda, waxaana madaxweyne Farmaajo uu si rasmi ah xilka uga qaaday guddoomiyihii hore ee G/banaadir.

Ad

Wasiirka ayaa xilka wasiirnimo ka degay iyadoo taas bedelkeed uu qabanayo xilka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana xilka wasiirnimo loo magacaabayaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo ay isku beel yihiin Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed.

Arrintan ayaa timid iyadoo xiisad siyaasadeed ay hareysay maamulka Gobolka Banaadir, xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxtooyada, waxaana xaaladu kasii dartay kadib markii xalay xarunta Gobolka Banaadir la shaaciyey in lagu doortay Taabit Cabdi Maxamed xilka uu hore u hayay muddo 2 sano ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON