Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo iyo ku-Xigeennadiisa, iyadoo la magacaabay maamul cusub.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada FederaalkaSoomaaliya ayaa u qorneyd sidatan:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)
Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;
Markuu wadatashi la sameeyey, isla markaana dhageystey tallooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya;
Madaxweynuhu wuxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilal kala ah:
• Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Ahna Duqa Muqdisho;
• Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasada;
• Xuseen Mohamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Maamulka & Maaliyada;
• Marwo Basma Cumar Axmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
• Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud
• Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar C/risaaq Xuseen