Sunday, April 14, 2024

Alshabaab oo baahisay Muuqaalka Askarigii Xerada Jen. Gordon ku laayey Saraakiisha Imaaraadka

Alshabaab ayaa baahisay muuqaalka iyo faahfaahinta Askarigii fuliyey weerarkii Xerada Jeneraal Gordon ee lagu dilay saraakiisha Imaaraadka Carabta, isagoo ka mid ahaa xubnaha Alshabaab ee lagu dhex beeray ciidamada dowladda.

Muuqaalka Video-ga ee ay soo bandhigtay Alshabaab ayey ku sheegatay inuu yahay Ninkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacday xerada tababarka ciidamada ee ay maamuulan Imaaraadka, 10-kii bishan Febraayo, kana tirsanaa kooxda is-miidaamiyeyaasha.

Muuqaalka oo lagu duubay goob aan la shaacin, ayaa magaca ninka weerarka ay Alshabaab ku sheegtay Mustafa Mukhtaar Aadan Cabdiraxmaan, balse ma sheegin xilliga uu ku biiray kooxda.

Ad

Mustafa Mukhtaar Aadan ayaa Video-ga ka muuqda, iyadoo ay muuqato inuu muddo hore duubay dardaaranka, wuxuuna u muuqday nin dhalinyaro oo da’diisu yar tahay, iyadoo muuqaalka aan ku jirin xog muujineysa inuu weerarka fuliyey.

Weerarka ayaa lagu dilay 4 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka, iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Baxreyn, waxaana sidoo kale ku dhintay askar iyo dad kale, iyadoo markii dambe la dilay askariga Shabaabka ahaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON