Friday, May 3, 2024

Dad hor leh oo dalka Kenya loo karantiilay Cabsi laga qabo Cudurka Ebola & Wararkii ugu danbeeyay..

Dad cusub oo hore leh ayaa loo karantiilay cabsi laga qabo inay qaadeen cudurka Ebola oo astaamihiisa lagu arkay haweeney Kenyan ah oo booqatay magaalo ku taalla xuduudka dalalka Kenya iyo Uganda.

Saddex qof oo xiriir la lahaa haweeneyda ayaa la karantiilay, inkastoo aan lagu arkin calaamadaha cudurka, waxaynka kala yihiin ninkeeda iyo laba qof oo kale oo isbitaalka keenay haweeneyda, waxaan tallaabadaasi loo qaaday ka hortag, iyadoo la raadinayo dadka kale ee haweeneydan xiriirka la yeelatay.

Saddexdan qof ayaa lagu hayaa Isbitaalka magaalada Kericho ee Kericho. Dr Shadrack Mutai, oo ah madaxa qeybta caafimaadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadeen tallaabooyin ka hortag ahaan.

Ad

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa iyaduna khubaro dhinaca caafimaadka ah u dirtay Ismaamulka Kericho ee dalka Kenya si ay xaaldda ula socdaan, waxaana la sheegay in natiijada ugu horeysa ee haweeneyda cudurka looga shakiyey ay soo bixi doonto 12 ila 24 saac ee soo socota.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON