Friday, May 3, 2024

Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo Gacanta ku dhigay Saanad loo waday Kooxda Alshabaab

Ciidamada milateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa gacanta ku dhigay Hub iyo Saanad loo waday kooxda Alshabaab ee fadhigoodu yahay Gobolkaasi.

Sida uu sheegay Taliyaha ururka 49aad ee ciidanka xoogga dalka Faarax Maxamed Turbac waxay ciidamadu gacanta ku dhigeen Gaadiid waday Hub oo u socday dagaalamayaasha Al-shabaab. Hubkaas iyo Gaadiidkii siday ayaa lagu qabtay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Waxaa kaloo Taliye Turbac uu sheegay inay sidoo kale gacanta ku dhigeyn 4 ruux oo ahaa kuwa waday Gaadiidka iyo Hubka. Hubka la qabtay ayaa u badnaa rasaasta qoryaha AK47 iyo PKM oo gaaraya 15,000 xabo waxayna sheegeen in loo waday Al-shabaab oo fariisin ku leh Tuulada Ray’dab oo 40km u jirtab magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON