Wednesday, May 1, 2024

Cali Jeyte oo diiday xilkii laga qaaday, kuna dhawaaqay inuusan aqoonsaneyn Hirshabelle

Guddoomiyihii xilka laga qaaday Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hor yimid wareegtadii uu xilka uga qaaday Madaxweynaha Hirshabeelle.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne ayuu sheegay inuusan aqoosaneyn Hirshabeelle, isla markaamnna uu sameynayo maamulka cusub ee ‘Hiiraan State’, isagoo sheegay inuu bandow ku soo rogay magaalada Beledweyne.

Cali Jeyte ayaa isagoo careysan sheegay in Maamulka Hirshabeelle aanu ka shaqeyn karin Hiiraan, isla markaana uu xiray Garoonka Beledweyne oo aanay jirin cid kasoo degi karta ama ka bixi karta oo Hirshabeelle ah, diyaaradii isku daydana uu dhulka soo dhigi doono.

Ad

Cali Jeyte oo marar badan xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan soo qabtay ayaa sidoo kale hor u diiday xil ka qaadis hore, waxaana mar kale xil ka qaadistiisa ay keenay dood culus oo keeni karta inuu dib u soo laabto khilaafkii maamulka Hirshabeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON