Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si cad u sheegay inaysan Soomaaliya degi doonin inta ay kala baxyaaan Somaliland.
Isagoo ka hadlayey tababar loosoo xiray ciidamo ka tirsan Somaliland oo lagu carbiyey degaanka Darar-weyne ee duleedka Magaalada Hargeysa ayuu sheegay in Soomaaliya aysan heshiin doonin ilaa ay kala baxaan Somaliland.
“Soomaaliya heshiin meyso ilaa Soomaaliyadii Talyaanigu gumeysanayay iyo Soomaalidii Ingiriisku gumeysanayey ay kala baxaan, horta Soomaali saldhigi mayso, Xamarna saldhigi mayso, Kismaayo-nasaldhigi mayso, waayo waa geedi gurac loo raray, taasna qolada Koonfurtu way ka dhego adeygayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Muuse Biiixi wuxuu shegeay in dagaalkii Soomaaliya uu saameyn ku yeeshay Somaliland, taasoo keentay dagaalka Laascaanood, wuxuuna ku eedeeyay Puntland inay keentay nidaam aan dunida ka shaeyn o oah in Heyb iyo qabiil lagu saleeyo xuduudaha.
Wuxuu sheegay in khilaafka Sool iyo Somaliland uu yahay mid u dhaxeeya Somaliland, ayna doonayaan inay nabad ku xaliyaan, ciddii diidan taasina ay iska qaban doonaan.
Dagaalka Laascaanood ayuu ku edeeyay inay ka danbeeyaan Puntland iyo Alshabaab iyo sidoo kale qolo yar oo reer Sool ah, ayna isla celin doonaan oo difaac ku jiraan.