Friday, May 3, 2024

Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddi soo diyaariya Habka Doorashada xildhibaanada Gobollada Waqooyi

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa magacabay Guddi soo diyaariya habkii loo qaban lahaa Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Qoral kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu caddeeyay in heshiiskii Doorashada ee Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada aan laga talogelin madaxda iyo xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, balse ay taagereen Heshiiskaasi.

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa magacaabay Guddi uu sheegay inuu soo diyaariyin doono habka iyo hannaanka loo qabanayo Doorashada xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, taasoo ka dhici doonta Magaalada Muqdisho, waxayna magacyada Guddigani kala yihiin:

Ad

1- Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle

2- Xildhibaan Maxamed Cumar Carte

3- Xildhibaan Siciid Maxamuud Xayd

- Advertisement -

4- Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir

5- Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa

6- Jamaal Xasan Ismaaciil

7- Sen. C/risaaq Axmed Cali

- Advertisement -

Xubnahan ayaa u badan Wasiiro ka tirsan xilka sii heysa, waxayna mar kale u taagan yihiin jagooyinka xildhibinaanimo iyo Senatoro, lamana oga in inay arrintan heshiis ku yihiin Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweyne Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON