Friday, May 3, 2024

Bishii Ramadaan oo laga waayey Sacuudiga iyo Xilliga Soonku Sanadkan bilaabanayo

Warar ay faafisay Warbaahinta Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dalkaasi laga waayey dhalashadii Bishii Ramadaan ee sanadkan 1444 Hijriyada, kadib markii Maxkamadda Sare ee dalkaasi ay ku baqday in la raadiyo bisha.

Maalinta Arbacada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka March ayaa noqonaysa maalintii ugu dambaysa bisha Shacbaan, waxayna bisha barakeysan ee Ramadaan bilaabanaysaa Khamiista 23-ka Maarso.

Bilaha Islaamku ayaa ku dhammaada 29 ama 30 maalmood, bishuna bilowgeeda iyo dhammaadkeedu waxaa ku xiran cibaadooyinka Islaamka qaarkood. Guddiga raadinta Bisha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa mar kale kulmi doona fiidnimada Berri Arbacada si ay u xaqiijiyaan Bisha.

Ad

Maamlo ka hor ayuu Sacuudiga ayaa ugu baaqay Muslimiinta dalkaasi ku nool inay raadiyaan bisha barakeysan ee Ramadaan. Maxkamadda sare ayaa ugu baaqday cid kasta oo ku aragta bisha inay iska xaadirison maxkamadda ugu dhow si ay diiwaan geliyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON