Sunday, April 28, 2024

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Dilka Suldaan Rashiid Dhurre ee Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa War kasoo saaray Geerida Suldaanka Beesha Gaaljecel Suldaan Rashiid Suldaan Cumar Durre (Suldaan Durre) oo u geeriyooday caawa dhaawac kasoo gaaray rasaas ay ku fureen koox dabley ah.

Qoraal kasoo baxay Axmed Madoobe ayaa Tacsi loogu diray dhammaan Shacabka Jubbaland iyo gaar ahaan ehelada qaraabada iyo uu ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre oo ka mid ahaa Salaadiinta Jubbaland oo uu sheegay in dhagar-qabayaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabadda Shacabka Jubbaland, isagoo wax badan wakhtigiisa u huray nabadeynta Bulshada, sida uu yiri, wuxuuna faray Hay”adaha amniga inay jawaab degdeg ah ay ka bixiyaan falkan ayna gacanta kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON