Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo dhoweeyay ciidamo Kumaandoos Soomaali ah oo lagu soo tababarray dalka Turkiga, kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada dowladda Somalia u dirtay Turkiga.
Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayo Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Fadaralka Soomaaliya, Taliye ku-xigeenka Ciidamada Xoogga dalka iyo Taliyaha Ciidamada Dhulka, waxaana la sheegay in ciidamadan ay muddo Sanad ku dhow tababar ku qaadanayeen dalka Turkiga.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamadaan ay tababar carsi ah ku qaateen mudadii ay joogeen dalka Turkiga. Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa isna dowladda Turkiga uga Mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka
Waxaa kaloo ciidamada la hadlay Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali oo sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidamada qalabka sida, iyagoo taageero ka heleyso Turkiga









